Heerkiisa ciyaarta iyo mudada uu bortoqiiska sii ciyaari karo ayaa suaal laga keenay bilowgii xilliciyaareedkan kaas oo uu si hoose ku bilaabay. Isaga oo uu dhaawac saameeyey hadana waxa ay laacibka da’diisu tahay 33-da sano ku qaadatay in uu dhaliyo goolkiisii saddexaad ee horyaalka La Liga ciyaartii ay xasuuqeen Sevilla.
Ilaa iyo fasixii waqtiga qaboobaha laacibka ku guuleystay Ballon d’Or-da waxa uu bilaabay in uu iska soo gudo waqtigii ka lumay waxa uuna helay qaab ciyaareed aad sarreeya asbuucyadii dambe
Ronaldo waxa uu dhaliyey laba laba gool ama ka badan lixdii ciyaar ee la soo dhaafay afar ka mid ah waxaana ka mid ahayd saddexley uu ka dhaliyey Real Sociedad. Kooxda kaliya ee shabaqa ka ilaashatay waxa ay ahayd Levante waqtigan oo uu ku dhaliyey 10 gool.
Intaas waxaa sii dheer, Bortoqiiska laba gool ayuu ka dhaliyey Paris Saint-Germain lugtii hore ee wareega 16-ka Champions League-ga .
Ronaldo sidan oo kale uguma raaxeysan afka hore ee goolka isaga oo dhaliyey 1.33 gool cel celis ahaan halkii kulanba ilaa iyo bilowgii bisha January.
Waa bilowgiisii ugu sarreeyey ee bilashada sanad cusub intii uu joogay Bernabeu inkastoo uu goolal intaas ka badan ku dhaliiyey January iyo February sanaddii 2013, sidoo kale waxa uu markaas kulamada uu dheelay hada ka badan yahay 4 taas oo ka dhigeysa in uu 1.23 cel celis ahaan goolashiisa noqonayaan hal kulanba.
Laba iyo toban bilood kahor, sidan oo kale wuu u dhaliyey 12 gool laakiin waxa uu ciyaaray 13 kulan oo ka badan inta uu hadda tababare Zinedine Zidane u ciyaaray oo ah 9 jeer.


No comments:
Post a Comment